Taakulo Raashin oo la Gaadhsiiyey in Ka Badan Kun Qoys Taas oo Qayb ka ah Gurmadka Abaaraha
Hargaysa 26 February 2016-(SDN/QJ):– Waxa Deeq Raashin ah la gaadhsiiyey 1200 Qoys oo ka mid ah Dadka Reer Somaliland ku dhaqan Waqooyiga, Hawd iyo Galbeedka Magaalada Hargeysa.
Deeqdan Raashinka ah oo ay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) ku soo hagaajiyeen Hablaha ku mideysan Ururka Hoodaale ee ku kala dhaqan Magaalooyinka Cardif ee Cariga Ingiriiska iyo Magaalada Riyaad ee Dalka Sucuudiga iyo Weliba Ismaaciil Cabdi Bacad oo Wakiil ahaa Dad Muxsiniin ah, ayaa Salaasadii Doraad la gaadhsiiyey Deegaannada ay ka mid yihiin Qudhaca Abuuriin iyo Gorey oo hoos taga Degmada Faraweyne ee Gobolka Maroodi-jeex, tuulooyin hoos taga Degmada Gabiley iyo deegaanno kale oo Waqooyiga Hargeysa ah, kuwaasi oo ay ku nool yihiin Dad Abaarta Dalka ka jirtaa waxyeelaysay isla-markaana ka qaadday Xoolahoodii.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) oo Deeqdan lagu soo hagaajiyey, ayaa isagoo Sharraxaya Deeqdan iyo Meelaha loo qaybiyey waxa uu yidhi, “Waxaanu qaybinaynaa (qaybinay) Deeq Raashin ah oo loogu talo-galay 1200 oo ku nool Galbeedka Hargeysa, Waqooyiga Hargeysa iyo Hawdka Hargeysa, waxaana Raashinka intaa leeg badankiisa soo diray Hablaha Ururka Hoodaale ee Cardif deggan iyo Hablaha Hoodaale ee Riyaad Deggan iyo Ismaaciil Cabdi Bacad oo ka Wakiil ah Dad khayr badan oo Reer Jeddah ah.”
Sheekha oo sii hadlaya, ayaa u duceeyay Hablaha Ururka Hoodaale iyo Dadka kale ee Deeqdan soo bixiyey, “Hablaha Hoodaale waxaanu ILAAHAY uga baryeynaa inuu Miisaanka Xasanaadkooda ugu daro, in ILAAHAY Caafimaadka iyo Carruurta oo Dhul Gaalaad joogta u badbaadiyo, in ILAAHAY Dariiqa Jannada u fudeydiyo.” Ayuu yidhi.
Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Deegaannada Deeqdan la gaadhsiiyey oo ka hadlay Deeqda la gaadhsiiyey Dadka Abaaruhu dhibaateeyeen, ayaa ka Mahad-celiyey Deeqdan isugu jirtay Bariis, Sonkor, Daqiiq iyo Saliid, waxayna sheegeen in Deeqdan wax badan ka tari doonto baahiyaha haysta Dadka Abaareysan ee la gaadhsiiyey.
Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed-Aamin Cumar Cabdi oo qaybinta Deeqdaa ka qayb-qaatay, ayaa u Mahad-celiyey Hablaha soo bixiyey iyo Sheekha lagu soo hagaajiyey, “Raashinkan waxa na soo gaadhsiiyey Hablaha Hoodaale ee Cardif iyo Sucuudiga iyo Ismaaciil Cabdi Bacado, waxaanu leenahay ILAAHAY ha idinka abaal-mariyo.”ayuu yidhi, Maayarka Degmada Gabiley.
Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Gabiley Cali-Casse, ayaa isaguna sheegay, “Cid kasta oo wax soo tarta Dadka abaareysan aad baanu ugu Mahad-naqeynaa, khaasatan Hablaha Hoodaale iyo Ismaaciil Cabdi Bacad iyo Sheekh Aadan-Siiro oo ay u soo Waskiisheen.” Ayuu yidhi.
Sidoo kale, waxa Deeqdan Raashinka ah ka Mahad-celiyey Maamulayaasha Deegaannada Qudhaca Abuuriin, Gorey iyo meelihii kale ee la gaadhsiiyey ee Waqooyiga Hargeysa.
Hablaha Ururka Hoodaale ee Somaliland, ayaa Deeqdan Raashinka ah ka hor soo diray lacag biyo loogu dhaamiyey Dadka Abaareysan ee ku dhaqan deegaannada Doraad la geeyay Raashinka.