“12 Sano Qof Bilaa Sharci Ku Fadhiyey, Markuu Madaxweyne Noqdo Imisuu Fadhiyayaa, Xabbad Buu Idinla Dhici Hadduu Maqlo Waa Doorashadii…” Faysal Cali Waraabe DAAWO
Hargaysa 04. August 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay sidii uu Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Xilkaa iska Casilay uu u maamulayey Golahaasi 12-kii sannadood ee uu Hoggaaminayey iyo weliba siduu ugu dhaqmayey Sharciga.
Guddoomiyaha UCID oo Telefiishanada HCTV Bulsho wax ka waydiiyeen waxa uu is leeyahay Cabdiraxmaan-Cirro wuu qabtay Muddadii uu ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa ku jawaabay “Intaa uu Cabdiraxmaan joogay Golaha Wakiillada Waddanka dhibaato badan buu keenay, kow Sharci-jebinta waa u Aabbo, Waayo? Sharcigu wuxuu qorayaa Xildhibaankii Saddex jeer oo isku xiga Fadhiyada ka maqnaada inuu Kursigiisa waayayo, laakiin waxa jira intaas oo Qof oo xitaa qaar Jaamacado soo dhameeyeen oo Lacagtooda qaadan jiray, intaas oo soo qaadatay Boosaaboorro Ajanabi oo Dalal kale isku soo dhiibay, Lacagtoodana qaadan jiray, markaa Sharciga kumuu shaqaynin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Guddoomiye Cirro uu Dambi galay markii uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahaa “Cabdiraxmaan markuu Baarlamaanka ahaa Dambi buu sameeyay Dhiig ku daatay, Madaxweynihii hore markuu ka xidhay Golaha Wakiillada, Laba iyo tobankii Habeennimo ayay Suldaan Ismaaciil iyo (Salaadiin) kale Guriga iigu yimaaddeen oo ay yidhaahdeen Furihiibuu soo doonan waayay kaalay la hadal, Anigaa la hadlay, furihii buu doontay. Waxaanu ku nidhi Dadkii (Mudaharaadayey) meesha ayay Hor-taagan yihiin ee tus inaad furihii soo qaadday si Shacabku u nafisaan, laakiin Dadkii uma sheegin wuxuu damcay inuu Xoog ku gelo Xarunta Baarlamaanka, waatii Dhimashadu dhacday.”
Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu Guddoomiyaha WADDANI Md. Cirro ku eedeeyay in markii uu ahaa Hoggaamiyaha Golaha Wakiillada ee uu iska Casilay uu gacan ka geystay Muddo kordhin dhowr jeer loo sameeyay Goleyaasha Xukuumadda, Guurtida iyo Wakiillada “Gacan buu ka geystay in Guurtidu kordhiso, Gacan buu ka geystay in Baarlamaanka loo kordhiyo (Wakiillada), markiiba wuxuu la saaxiibay KULMIYE, markii KULMIYE soo baxayna way ku heshiiyeen in Dalku Fawdadaa gelo oo Hay’aduhu iska sii jiraan, Maantana waxba kagamuu tagin oo Baarlamaanku wuu burburay.”
Guddoomiyaha UCID wuxuu ku dooday in Cabdiraxmaan-Cirro aanu dan ka lahayn wixii aan isaga Dan u ahayn “Intaas oo Mooshin baa baxay, Mooshin keliya oo Guddoomiyaha Baarlamaanku jecelahay inuu socdo maynu arag iyo Mooshin aynu aragnay inuu diiddan yahay inuu socdo ma jiro, Waayo? Cabdiraxmaan Waxyaabaha hareerihiisa ka dhacayaa uma kala soocna oo waxba kama gelin, laakiin tiisa waakaa Dadka Feedhka la dhacaya marka la yidhaahdo noo dhiib Makarafoonka.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo is-waydiiyey haddii uu 12 Sannadood ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, inta uu ahaan karo Madaxweynaha Dalka haddii uu Doorashada ku guuleysto “12 Sannadood Qof bilaa Sharci ku fadhiyey, Markuu Madaxweyne noqdana imisuu fadhiyayaa, Xabbad buu idinla dhici marka la yidhaahdo waa Doorashadii.”