|

12 qof oo loo qabtay qaraxyadii Central hotel Iyo Maamulkii Huteelka oo Fariimo adag lagu wargaliyay

Muqdisho 21.Feb 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka amniga qaranka ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in dad loo qabtay weerarradii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

yadiiWasiirka oo ah guddoomiyaha guddi madaxweynuhu u xilsaaray baarista qaraxyadii shalay ka dhacay hotel Central ayaa sheegay in la qabtay 12 qof oo lagu tuhmay inay ku lug lahaayeen fulinta qaraxyada.

Wasiirka oo warbaahinta maanta kula hadlay Muqdisho ayaa tilmaamay in dadka la qabtay ay ku jiraan maamulka iyo shaqaalaha hotelka ay qaraxyadu ka dhaceen.

Qabashada tuhmaneyaasha ayuu sheegay wasiirku inay ka dambeysay baaritaan ay sameeyeen hay’adaha amniga ee dowladda, lana hor geyn doono maxkamad.

Waxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay xaqiijinayso amniga dalka, wuxuuna shacbiga ka codsaday inay la shaqeeyaan hay’adaha nabad galyada ee dowladda.

Ugu dambaynna wasiirka amniga qaranka ee Soomaaliya ayaa mas’uuliyiinta iyo maamullada hoteellada u diray farriin ku wargalinaysa in lagala xisaab tami doono wixii dhibaato ah ee ka dhaca hoteelladooda.

Comments are closed