|

12 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho,iyo Aarsigii Alshabaab oo Bilaabmay

Muqdisho 08.Sep 2014 (SDN/QJ)-Ugu yaraan 12 qof ayaa lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo saarnaayeen ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Bas-la-qarxiyayQaraxa oo loo adeegsaday gaari Noah ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ka dhacay waddada isku xirta Muqdisho iyo magaalada Afgooye oo qiyaastii 30km u jirta caasimadda, sida uu xaqiijiyay guddoomiye ku-xigeenka ammaanka deegaanka Lafoole, Cabdiraxmaan Xasan.

12 qof oo rayid ahaa oo saarnaa labo gaari oo bas ah ayaa ku dhintay weerarka, in ka badan 20 kalena waa ay ku dhaawacantay.

Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa la geeyay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa la socday kolonyada gaadiidka AMISOM ee lala eegtay qaraxa.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Waa weerarkii ugu horreeyay tan iyo markii kooxda Al-Shabaab ay wacad ku martay inay fulin doonto weerarro aargoosi ah kaddib markii toddobaadkii la soo dhaafay la dilay hoggaamiyaheedii, Axmed Cabdi Godane.

Midowga Afrika waxaa Soomaaliya ka jooga ciidan gaaraya 22,000, kuwaas oo dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed