12 Qof oo ku dhaawacmay Shilal Gaadhi iyo Adeegga Cusbitaalka Burco oo laga dayriyey
Burco 22.May 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, ayaa Shalay booqday 12 qof oo ku dhaawacmay Shil Gaadhi oo ka dhacay deegaanka Qoryaale oo ka tirsan gobolkaas, kuwaasoo la soo gaadhsiiyey habeen-hore Cusbitaalka guud ee magaalada Burco, kaasoo xaaladdiisa adeeg ay ka dayriyeen Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ee gobolkaasi.
Ku-simaha Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Togdheer Cabdirashiid Maxamed Cali, ayaa Warbaahinta shalay uga warbixiyey xaaladda dadkaas dhaawaca ah oo ku kala dhaawacmay laba Gaadhi oo mid ku dhacay deegaanka Qoryaale, isla markaana ay Sagaal qof ku dhaawacmeen, halka shilka labaadna uu ka dhacay Waqooyiga magaalada Burco oo ay ku dhaawacmeen saddex qof oo mid ka mid ahi Xildhibaan yahay sida uu Badhasaabka Togdheer sheegay, waxaana ugu daran hal qof oo ka mid ah 12-kaas qof oo ay Hawl-wadeennada Caafimaadku sheegeen inuu Koomo ku jiro.
“Dhaawaca illaa shalay (dorraad) soo gaadhay Cusbitaalka waxay tiradoodu tahay Sagaal meel ah iyo Saddex meel ah (12), hal qof ayaa Koomo ku jira oo xaaladdiisu aad iyo aad u culus tahay oo u baahan in la mariyo Scan (Mishiinka Sawirka), oo aannu u xawilnay in la geeyo Hargeysa oo aannu Ambalaaskiina u diyaarinnay.” Sidaa ayuu yidhi Ku-simaha Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Cabdirashiid Maxamed Cali.
Waxaanu Cabdirashiid si gaar ah ugu mahad-celiyey Guddoomiyaha gobolka Togdheer iyo weliba Shaqaalaha kala duwan ee Cusbitaalka guud ee Burco, waxaanu yidhi; “Waxaan halkan uga mahad-naqayaa Badhasaabka gobolka oo illaa xalay (habeen-hore) heegan nagula jiray oo nala qaatay soojeedka iyo shaqadaba. Waxa kale oo aan u mahad-naqayaa Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Cusbitaalka Burco ee heeganka u ahaa inay dadka iyo dalka u adeegaan.”
Ku-simaha Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Togdheer Cabdirashiid Maxamed Cali waxa uu ka dayriyey Adeegyada Caafimaad ee Cusbitaalka guud ee Burco, waxaanu yidhi; “Waxaaan halkan uga sheegayaa Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo dawladda-ba, in Cusbitaalka guud ee Burco ku jiro xaalad aad u liidata oo dawada daaye xataa aan qofka loo heli karin Balastar, waana wax ceeb ah inaad tidhaahdo soo iibso Balastar qof dhiig-baxaya oo Safar ahaa. Markaa, waxaannu ka codsanaynaa in xil gaar ah la iska saaro xaaladdan adag ee Cusbitaalka Burco ku jiro, dawada, shaqaalaha iyo adeegga in arrimahaas si deg-deg ah wax looga qabto.”
Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diirye, ayaa isaguna ka hadlay sida ay uga soo raysay xaaladda caafimaad ee dhaawacyada shililka Baabuurta ka dhashay ee lagu dawaynayo Cusbitaalka guud ee Burco, waxaanu yidhi; “Xaaladdii xalay (habeen-hore) aannu ugu nimi halkan iyo tan maanta (shalay) ay ku sugan yihiin dhaawacyadu aad bay u kala wanaagsan tahay, kollay sababtu waa dhibaatada oo cusbayd oo shoog (naxdin) ku jiray. Waxaan aad ugu mahad-naqayaa Shaqaalaha Cusbitaalka guud ee Burco oo uu hormuud u ahaa Ku-Simaha Isu-duwaha Wasaaradda Cabdirashiid Maxamed Cali, xalay (habeen-hore) dhammaan heegan bay ahaayeen.”
“Si fiican bay ugu adeegeen dadka dhaawaca ah ee Cusbitaalka yaallay. Shalay waxa la keenay Xildhibaan iyo laba qof oo kale oo iyagana dhinacan Waqooyiga Shil ku galay oo Gaadhigoodi ku baabba’ay. Baabuurta Miyiga u baxday sida Adhiga oo kale ayaa loo raraa dhibaataa ka dhalata, hallaga fiirsado rarkooda.” Sidaa ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diirye.
Shilalka Baabuurta, ayaa ah kuwo had iyo jeer ay dadweynaha dhibaatooyin dhimasho iyo dhaawacyo isugu jiraa ka soo gaadhaan, iyagoo Shilalka Baabuurtu aad ugu soo badanaya gobolka Togdheer labadii sano ee ugu dambeeyey, inkasta oo ay Somaliland ay ka taagan tahay dhibaatada Shilalka Gaadiidka ka soo gaadha Bulshada, haddana labadii sano ee u dambeeyey ayaa la sheegayaa inay gobolka Togdheer ku badan yihiin Shilalka Baabuurtu.
Burco Qulujeed SDN/QJ