|

12 Milyan oo Qof oo Galbeedka Iyo Bariga Africa ku Nool oo Sanad walba Dalalkooda ka Haajira & Tirada ugu Badan oo Caruur ah (Warbixin)

New York 06. July 2017 (SDN/QJ):- Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa sheegtay in 12 milyan oo qof oo ku nool Galbeedka iyo Badhtamaha Afrika ay sanadkasta ka socdaalaan deegaanadooda.iyadoo in ka badan kala badh tiradaasina ay yihiin carruur.

Warbixintu waxa ay sheegaysaa in socdaalka ballaadhan ee dadkaasi uu salka ku hayo dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin tirada dadka oo korodhay, colaadda iyo isbadelka cimilada.

Sida ay sheegtay UNICEF weli taariikhda laguma hayo in dad tiradaas leegi ay galbeedka iyo bartamaha Afrika ka socdaalaan deegaanadooda.

Todoba milyan oo carruur ah ayaa ka mid ah dadyowga isaga kala gudbaya xuduudaha sanadkasta.

Inta badan socdaaladaasi ayaa ah kuwo waafaqsan sharciga, gaar ahaanna galbeedka Afrika oo urur shaqaale uu fududeeyo socdaalka caadiga ah ee dadka ka haajiraya wadamadooda.

Iyadoo reer Yurub ay isha ku hayaan dadka Afrikaanka ah ee ka soo tallaabaya badda Mediterranean-ka ayaa warbixintani waxay qeexaysaa in dhab ahaantii muhaajiriinta ugu badani ay ku dhex wareegaan qaaradda dhexdeeda.

Balse UNICEF ayaa waxay ka digaysaa in tiradaa aadka u badani ay culeys ballaadhan ku keenenayso adeegyada mqw1arkii horaba aan wanaagsanayn ee ay bixiyaan dowladuhu, iyadoo inta badanna ay carruurta dhexda ka baxaan.

Warbixintu waxa ay leedahay sababaha socdaalka dadkaasi ayaa ah kuwo aad u adag oo aan la fahmi karin, hasayeeshee isbadelka cimilada ayaa ah arrinta ugu muhiinsan.waxaanay warbixintu intaa raacisay iney abaaraha ba’ani ay iyuguna wax soo saarka saamayn weyn ku reebaan.

Comments are closed