|

12 ka mid ah Culimada Somaliland oo ku taliyey in la joojiyo Xeerka Baananka Ganacsiga & Sababta keentay

Hargeysa 14, January 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, isla-markaana Guddoomiye u ahaa Guddi gaar ah oo loo xil-saaray inay soo eegaan Xeerka Baananka Ganacsiga oo Xukuumaddu hore ugu soo gudbinaysay Wakiillada, ayaa sheegay inay Shalay Gole-weynaha Wakiillada u gudbiyeen natiijadooda.

 

Xildhibaan Siciid Maxamed CilmiXildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo Saxaafadda kula hadlay Xarunta Golaha Wakiillada, ayaa sheegay in muddadii ay hawsha Xeerkan ku jireen Guddi ahaan la kulmeen ilaa 17 Culimada Somaliland ah, isla eegeen Xeerkan iyo waxa Shareecada Islaamku ka qabto, aakhirkiina Culimadu ay Guddi ahaan u soo gudbiyeen go’aan ah in Xeerka Baananka Ganacsigu ka soo horjeedo Shareecada Islaamka.

 

Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Waxaanu Maanta (Shalay) Golaha Wakiillada u gudbinay hortiisana ka akhrinay Go’aamadii Guddida Xeerka Baananka Ganacsiga oo ay qaylo badan ka taagnayd dhinaca Shareecada Islaamka. Ka dib, markaanu la soo kulanay 17 ka mid ah Culimada Dalka  isla-markaana aanu aragnay shaqsiyaad kale oo Arrimaha Baananka iyo Shareecadaba Xog-ogaal u ah, muddo ayaanu wada hadlaynay Culimada, laakiin, gabogabadii 12 Culimo ah oo ay ka mid yihiin Sheekh Maxamed Cumar Dirir,  Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed iyo Sheekh Almis  ayaa waxay Warqad ku soo saxeexeen oo ay noo soo gudbiyeen gudbiyeen in Xeerka (Baananka Ganacsigu) uu aasaas ahaan Shareecada Khilaafsan yahay, waxayna ku taliyeen in la joojiyo Xeerkaa, annaguna Sidaas ayaanu ugu gudbinay Golaha Wakiillada, waxaanuna rajeynaynaa in Goluhuna sidaas ku qaato oo Xukuumadda lagu celiyo.”

Comments are closed