|

118 Wiil oo Soomaali ah oo Maxkamadayntoodu Ka Bilaabantay Dalka Hindiya & Sababta loo Haysto DAAWO

Delhi 03. March 2017 (SDN/QJ):- 118 Wiil oo Soomaali ah, ayaa Maxkamadayntoodu Salaasadii Maanta ka bilaabantay magaalada Bombay ee dalka India, kuwaas oo lagu soo eedeeyey inay ku kaceen falal Budhcad-badeednimo ah; sida ay sheegeen Saraakiisha Dawladda India (Hindiya).

Dhegeysiga Maxkamadaytan, ayaa bilaabatay, waxaana Qareennadii ka socday dawladda India ay Maxkamadda soo istaajiyeen mid ka mid ah shan Marqaati oo ay sheegeen iney hayeen.

 

Dhegeysi dheer ka dib, Garsooraha waxaa laga codsaday in Afarta Marqaati ee hartay si deg-deg ah loo horkeeno Maxkamadda, maaddaama ay dabadheeraatay Dacwadda iyo Xukunka Dhalinyaradan.

 

Dhanka kale, Qareen-ka u doodayey Wiilashan Soomaalida ah oo bar-bar socotay Safaarrada Soomaalida, ayaa isna ku doodayey in Dhalinyaradan ay qirteen Dacwadda lagu soo oogay, hase-ahaatee uu ka codsaday in xukunka Wiilasha la rido; si dawladaha India iyo Somaaliya ay uga xaajoodaan.

“Safaaraddu waxay dedaal dheer u galeysaa sidii dacwadda Wiilashaan loo dhammeyn lahaa.” Sidaasi waxaa sheegay Axmed Xiis oo ah Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Hindiya, isla markaana ah shaqsiga u xilsaaran Dacwadda Wiilasha.

 

Wiilashan loo heysto Dacwadda Budhcad-badeednimada, ayaa waxa ay tiradooda ay aheyd 120, inkasoo nisiib-darro laba ka mid ah ay hore ugu dhex-geeryoodeen Xabsiga.

Maalinta Isniinta ah ee  6 Maarso, ayaa loo balansanyahay in mar kale Markhaatigii labaad la dhegeyso.

Comments are closed