11 Xubnood oo Somaliland u dhashay oo ka Mid Noqday Dhismaha Cusub ee Golaha Wasiirada Somalia iyo Deegaanada ay ka soo Jeedaan
Muqdisho 14.Jan 2015 (SDN/QJ)- Liiskii golaha xukuumadda Somaliya ee uu habeen hore ku dhawaaqay raysalwasaaraha Somaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxa ka dhex muuqda xubno u dhashay Somaliland oo ka mid noqday xukuumadaas.
Xubnahan ayaa isugu jira kuwo ku cusub siyaasadda Somaliya iyo kuwo hore ugu soo jiray. Tirada guud ahaan wasiirada, wasiirul dawlayaasha iyo wasiir xigeenada loo dhisay Somaliya ayaa ah 60 xubnood, waxaana reer Somaliland dhalasho ahaan ka soo jeeda 11 xubnood. Waxaanay magacyadooda iyo deegaanada ay ka soo jeedaan kala yihiin sidan;
Maxamed Cumar Carte, Raysalwasaare -xigeen (Gobalka Hargeysa) Daauud Maxamed Cumar, Wasiirka Macdanta iyo Batroolka, (Gobalka Sool)
Cabdillahi Axmed Jaamac “Ilkajiir” Wasaaradda Waxbarashada, (Sanaag Bari)
Cabdalla Boos Axmed, Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta, (Galbeedka Burco)
Cabdiraxman Ducaale Bayle, wasiirka Arrimaha dibadda (Gobalka Awdal)
Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” Wasiirka Korontada iyo Biyaha, (Bariga Burco) Maxamed Cali Xagaa , wasiirul dawlaha Gaashaandhigga (Gobalka Salal)
Jamaal Xasan Ismaaciil, wasiir-xigeenka dhallinyarada iyo ciyaaraha (Gobalka Hargeysa)
Siciid Jaamac Maxamed Qaalib, wasiir-xigeenka kalluumaysiga iyo khayraadka badda (Hargeysa)
Cabdikarin Cige Guuleed, wasiir xigeenka Xanaanada Xoolaha (Gobalka Awdal )
Xaamud Cali Xasan, wasiir xigeenka Waxbarashada (Gobalka Salal) Xubnahan ayaa qaarkood waxa ay sidoo kale ka tirsanyihiin Baarlamaanka Somaliya. Qaar kalena waxa ay siyaasadda Somaliya la haysteen 20-kii sannadood ee ugu dambeeyay iyagoo dhawr goor wasiiro ka noqday dawladihii kala dambeeyay ee Somaliya.