|

11 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley oo xabsiga la dhigay iyo ujeedada xadhigooda

Gabiley, 10, Mar 2012  (SDN)- Xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka Gabiley oo xabsiga lagu guray ka dib markii ay isku dayeen inay qabsadaan fadhi aan caadi ahayn, si xilka uga tuuraan Maayarka magaaladaaas Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo muddooyinkii u dambeeyay xilka guddoomiyenimo haysay, isla markaana ugu doortaan maayar cusub.

Ciidamadda ammaanka ayaa ka hor istaagay isku daygaas xildhibaannada, waxaanay xidlhibaannadu rabshad ka abuureen xarunta dawladda hoose Gabiley, halkaasoo la sheegay inay khasaare gaadhsiiyeen dhismaha xaruntaas. waxaana Ciidamada ammaanku xabsiga dhigeen 11 ka mid ah Xildhibaannada Golaha deegaanka Gabiley.

Xildhibaanada la xidhay waxay kala yihiin:-

Xildhibaan Muxumed Geelle Seed

Maxamed Muxumed Nuur Land-rover

Maxamed Siciid Cige Toyota

Muxumed Xasan Meecaad

Aadan Muxumed Badde

Maxamed Axmed Qaalib Samir

Maxamed Cumar Warsame

Maxamed Ibraahim X Maxamed

C/raxmaan Ibraahim Faarax

Maxamed Cabaas Jaamac

Xuseen Maxamed Jameeco.

Isku daygan Xildhibaannada ayaa waxa ka dambeeyay ka dib markii uu xilkii iska casilay Maayarkii hore ee degmadaas oo sannadkii hore maamuus ka xayuubin lagu sameeyay, markii lagu eedeeyay musuqmaasuq, iyadoo si ku-meelgaadh ah xilka maayarnimo ay ula wareegtay Marwo Khadra Xaaji Gaydh.

SDN, Gabiley

Said8090@gmail.com

Comments are closed