|

Barnaamij kor lagu fidinayo Waxbarashada dalka iyo tayaynta macallimiinta oo hargaysa lagu qabtay

Hargaysa 08.Sep 2013 (SDN)- Dalka Somliland waxaa maanta laga xusay maalinta caalamiga ah ee wax akhriska iyo wax qorista, munasabadaas oo ah mid guud ahaan  caalamka laga xusayo maanta oo ku beegan 8 sep.


Xus1
Xaflad lagu qabtay xarunta shaqaalaha dawladda ee maglda Hargaysa ayna ka soo qayb galeen mas’uuliyiin kala duwan oo bahda waxbarashada ah ayna ka mid ahaayeen Wasiirka iyo wasiirul-dawlaha wasaradda waxbarshada iyo tacliinta sare ee dalkan JSL Marwo Zamzam Cabdi Aadan iyo mudane Axmed Nuur Faahiye (sida ay u kala horeeyaan) oo uu wehelinayey agasimaha guud ee wasaradaasi Maxamed Xasan Ibraahim ayaa lagu muujiyey sida Somaliland ay uga go’an tahay horumarinta wax akhriska iyo hagajinta qoraalka, iyadoo sanadkan hal ku dheg looga dhigay ((Wax Barta aynu barwaaqo gaadhnee)).

Xus2Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Somaliland Md Maxamed waxa uu munaasabadas ka sheegay in wasaarad ahaan ay mar walba diyaar u ahaayeen, shaqadooda iyo waajibadkoodana ay tahay in la helo bulsho

waxna qorta waxna akhriyi karta, halka sidoo kalen uu agasimaha guud kula dardaarmay qoys kasta oo reer Somaliland ah in hablaha lagula dadaalo waxbarashada, loogana fa’iideeyo mashaariicda horumarineed ee
dhinaca waxbarashada oo uu ka mid yahay mashruuca dhowaan billaami doona ee QADAR FOUNDATION oo ah mashruuc waxbarashada lagu gadhsiinayo deegaanada xeebaha ku teedsan oo ah meelo ay ku yar tahay
waxbarashadu.

wasiirul-dawlaha wasaradda waxbarshada iyo tacliinta sare Md Axmed Nuur faahiye ayaa isna kulkankaa ka iftiimiyey in labaatan kun oo arday ay u fadhiisteen imtixaanadkii sanadkan ee dugsiyada Somaliland.

Safiya Jibriil Cabdi oo ka hawlgasha hay’adaha la shaqeeya wasaaradda waxbarashada ayaa iyana dadweynaha reer Somaliland u soo jedisay in xukuumad iyo shacaba gacmaha la isu qabsado sidii horumar looga gaadhi
lahaa waxbrashada.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Dalka Somliland waxaa maanta laga xusay maalinta caalamiga ah ee wax
akhriska iyo wax qorista, munasabadaas oo ah mid guud ahaan  caalamka
laga xusayo maanta oo ku beegan 8 sep.


 Xaflad lagu qabtay xarunta shaqaalaha dawladda ee maglda Hargaysa
ayna ka soo qayb galeen mas’uuliyiin kala duwan oo bahda waxbarashada
ah ayna ka mid ahaayeen Wasiirka iyo wasiirul-dawlaha wasaradda
waxbarshada iyo tacliinta sare ee dalkan JSL Marwo Zamzam Cabdi Aadan
iyo mudane Axmed Nuur Faahiye (sida ay u kala horeeyaan) oo uu
wehelinayey agasimaha guud ee wasaradaasi Maxamed Xasan Ibraahim ayaa
lagu muujiyey sida Somaliland ay uga go’an tahay horumarinta wax
akhriska iyo hagajinta qoraalka, iyadoo sanadkan hal ku dheg looga
dhigay ((Wax Barta aynu barwaaqo gaadhnee)).


Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Somaliland Md Maxamed waxa
uu munaasabadas ka sheegay in wasaarad ahaan ay mar walba diyaar u
ahaayeen, shaqadooda iyo waajibadkoodana ay tahay in la helo bulsho
waxna qorta waxna akhriyi karta, halka sidoo kalen uu agasimaha guud
kula dardaarmay qoys kasta oo reer Somaliland ah in hablaha lagula
dadaalo waxbarashada, loogana fa’iideeyo mashaariicda horumarineed ee
dhinaca waxbarashada oo uu ka mid yahay mashruuca dhowaan billaami
doona ee QADAR FOUNDATION oo ah mashruuc waxbarashada lagu gadhsiinayo
deegaanada xeebaha ku teedsan oo ah meelo ay ku yar tahay
waxbarashadu.

wasiirul-dawlaha wasaradda waxbarshada iyo tacliinta sare Md Axmed
Nuur faahiye ayaa isna kulkankaa ka iftiimiyey in labaatan kun oo
arday ay u fadhiisteen imtixaanadkii sanadkan ee dugsiyada Somaliland.

Safiya Jibriil Cabdi oo ka hawlgasha hay’adaha la shaqeeya wasaaradda
waxbarashada ayaa iyana dadweynaha reer Somaliland u soo jedisay in
xukuumad iyo shacaba gacmaha la isu qabsado sidii horumar looga gaadhi
lahaa waxbrashada

 

Comments are closed