|

Laanta Uk ee Xisbiyada Mucaaradka ee Ucid iyo Wadani oo tageeray heshiiskii labada Gudoomiye daawo sawiro iyo Video

London 03 August 13(SDN)  kulan ay ku yeesheen Galbeedka Magaalada London labada Xisbiyada  Qaranka  ee Waddani iyo Ucid. kulankan oo ay abuubulkiisa iska kaashadeen Xoghayayaasha labada xisbi ee Ucid iyo Waddani Mudane  Cabdilaahi  Xuseen Shaqale iyo Mudane Mustafe A/lahi Ali, ayaa dabasocday heshiiskii labada Xisbi ku gaadheen Magaalada Hargeysa 24Jun 2013, uuna ka soo baxay heshiiskii Tobanka qodob ka koobnaa, ayay laamaha labada Xisbi ee UK aad u soo dhoweeyeen una muujiyeen taageeradooda.

IMG_8562

 

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen xubno badan oo ka kala socday labada xisbi ayaa waxaa ka mid ahaa Xubnihii ka hadlay Labada Gudoomiye ee Xisbiyada Waddani iyo Ucid Mudane Ahmed Ali Nahi iyi Mudane Mohamed Jama Koodbuur, Labada Gudoomiye waxay ka dhawaajiyeen muhiimada uu heshiiskani u leeyahay guud ahaan siyaasada Waddanka iyo gaar ahaanba tan labada xisbi, waxayna isku raaceen in loo baahan yahay in Mucaaradnimada la mideeyo si xukuumada looga  ilaaliyo inaysan baalmarin shuruucda Waddanka u degan.

IMG_8561

Xubno badan oo  kulankan ka hadlay ayaa dhamaantood soo dhoweeyey heshiiska labada xisbi iyagoo dhamaantood isku raacay in arintani bilow u noqonayso mucaaradnimo wax-dhista, waxaana dhamaan xubnahan ka muuqanaysay ku faraxsanaanta heshiiskan taariikhiga ah. Xubnihii goobtan ka hadlay waxaa ka mid ahaa Gudoomiye-kuxigeenada labada Xisbi,  Xoghayayaasha labada Xisbi,  Gudoomiyaha Yurub ee xisbiga Waddani Mudane Osman Aw-Adan, Xubin Gudiga Fulinta Xisbiga Waddani ee heer Qaran Mudane Mubarak Hilac, Xoghayaha Garabka Haweenka Yurub ee Xisbiga Ucid Marwo Saynab X Gaydh, Marwo Kaltuun Cumar  Ali oo ah  Xoghayaha Arimaha Qoyska ee Xisbiga Ucid,  iyo Xubno badan oo kale.

IMG_8628

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Labada Afhayeen ee Xisbiyada Ucid iyo Waddani,  Mudane  A/ladif O Ali iyo Qasim A Saleebaan iyagoo ku nuux-nuuxsaday in intii labada xisbiyi iyagu isku maqnaayeen ay u suurtoowday in kulmiye iyo xukuumadiisu ay waayeen cid la xisaabtanta, balse hada wixii ka dambeeya lagula xisaabtami doono ficiladooda.

IMG_8613

Kulankan ayay labada xisbi isla qaateen:
1) In la magacaabo Gudi xoojin iyo dabagal ku samaysa heshiiskan Tobanka qodob ka koobnaa.
2) In labada xisbi laamahooda UK ay isku raaceen heshiiskii lagu gaaray magaalada Hargeysa.

 

 

Hawal-wadeeno iyo Xubno badan oo labada xisbi ka kala tirsan ayaa goobjoogayaal ahaa oonan dhamaantood halkan lagu wada xusi karin. waxaana shirkan Duco iyo Waano ku soo gunaanaday Caaqil Siciid cawl oo ka mid ah Caaqiliinta S/land.

IMG_8605IMG_8656IMG_8636IMG_8631IMG_8613IMG_8594IMG_8569IMG_8581IMG_8568IMG_8605IMG_8567IMG_8561IMG_8562
halkan ka daawo Vidyawga saxiixa

Comments are closed