”10 Sano Waa Bari’e Hargeysi Airport Kale Hayska Sii Xaadh-Xaadhdhato” Siyaasi Cabdi Kariin Axmed Mooge
Hargaysa 04. July 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Cabdi Kariin Axmed Mooge ayaa Walaac ka Muujiyey duruufaha xiligan ku gedaaman Madaarka Cigaal International Airpote ee Caasimada hargaysa isagoo Sheegay in Dhul boob baahsan lagu sameeyay Xaydaabkii Madaarka Taas oo dhalinaysa in Shaki laga Muujiyo Sugnaanshaha amniga Madaarka.
Siyaasi Cabdi Kariin Axmed Mooge ayaa qoraal kooban oo uu ku faafiyey Degelka uu ku Leeyahay Barta Xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxay u dhignayd Sidan:- ‘’Dhiilada iyo walaaca uu wasiir uu Cali Mareexaan ka qabo mustaqbalka airportka Hargeysa, ayaan la qabaa horena u qabay!! Wasiirku wuxuu yidhi hadal marka aad dhuuxdo macno durugsan oo sawiraya mustaqbalka Airportka Hargeysa! Wasiirka hadaladiisi waxa ka mid ahaa ee bal shacabyahow dhuuxa!
10 sano ka dib Airportka Hargeisa wuxuu u baahanayaa run wayo kale, wuxuu u baahanayaa parking, wuxuu u baahanayaa tax-wayo faro badan Hargeysa oo dhamina waxay doonaysaa dhulkii Airporka Hargeysa!! xafiiskayga SULDAAN, SIYAASI, MADAX, XISBI wada file bay sitaan dhulka Airportka Hargeysa ayuu doonayaa!!! Afka wanaagsan ee Airportka Hargeysa in uu noqdo Airport caalami ah iyo sida magaaladu u doonayso waa kala jaad! Ee ama Airportka qaybsada oo baloodh baloodh u soo doonta ama aan Airportka lagu naloonayno ee 10 sano ka dib noqonayaa international hubka ay diyaaradahu calaamku isagu yimadaan kaa aan ku wada-dagaalano oo ku wada-mititno! Halkaas waxaanu isku fardhinaa Hargeysa oo Airporkii doonaysa ana halkaas baan la fadhiya oo waxaan leeyahay i dhaafimayso, Markaa Hargeysaay war ii keena halkaas baan idiinku sugayaa!!
Xiligii aan ka tirsanaa xukumada ayaan ku taliyay in aan dhulka u dhaw afaafka airportka iyo dhulkii u dhawaa Gas-Mta in aan laga duwin taarka oo la soo xidho, aniga oo ku doodayay in Airtportku dhul u baahandoono uu ku fido mustaqbalka si loo casriyeyo.
Rag ogaa waxaanan ogeyn ayaa gashaanka u daruuray soo jeedintaydii waana laga duway dhulkaas taarkii ama xayndaabkii Airportka, Mudo yar ka dibna waxa digreeto madaxweyne lagu bixiyay dhamaan dhulkii laga duway taarka Airportka. waxaan maqli jiray “miskiin baa misgo la fuulo leh” waxaan uga socda dadkii saboolka ahaa ee lahaa dhulkana waa laga raray Airportka dhexdiisa hadana isla dhulkii baa rag doonayaa waa sida wasiirku cadeeye!! Waar meeshan Somaliland maxaa cadaalad daro taala!!
Wasiir Cali ayaa ii markhaati furay maanta in Airportka Hargeysa 10 sano ka dib uu u baahandoono dhul weyn oo ku fido wasiirka waa runtii ee mee dhulkaasi? Marka dhulkaa uu airtportku u bahanyahay la waayo maxa la yeeli doona? Waa tilmaan la dahoo degdeg kuma haboone adoo degan u fiirso ujeedada i deeqsi!!!
Dekadii Berbarana waad ogtihiin in dhulkeedi la boobay, Airportka Hargeysana waa taa dhiiladu inaga soo gaadhaysa Wasiirkii Hawlaha Guud ee ma sidan ayaa dawladnimo lagu hantaa reer Somaliland? waxaan maqli jiray hees adeerkay qaadi jiray Alle haw naxariistee oo odhan jirtay Xero bahal ku jiro xoolo kuma dhaqmaan ilayn waa maanta oo kale!!!