|

10-Kamid ahaa Ciidamada Turkiga Oo Lagu Laayey Weerar Bambaano Loo Adeegsaday

Ankara:Sep,08,2015(SDN/QJ)-Ugu yaraan Toban kamid ah ciidamada ammaanka waddanka Turkiga, ayaa dhintay tiro kalena waa dhaawacmeen, kadib markii weerar Bambaano loo adeegsaday lagu qaaday Baabuur ay saarnaayeen.

rrrrWararka ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in ay ku dhinteen dad rayid ah qaar kalana ay ku dhaawacmeen  inkastoo ay kooban yihiin wararka kasoo baxaya weerarkaasi.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dalka Turkiga ayaa sheegay in ay weerarkan uu ka dhacay gobolka Igdir ee bariga dalka Turkiga.

Weerarka lagu qaaday baska ayaa yimid labo maalmood kadib markii ay ugu yaraan 15 askari oo ka tirsan ciidamada Turkiga lagu diley weerar lagu qaaday kolonyo gaadiid ah gobolka Koofur Bari ee Hakkari,

Weerarka bamka ayaa sheegtay dagaalyahano ka tirsan ururka la mamnuucay ee Kurdistan Workers’s Party(PKK).

Bishii aynu ka soo gudubnay ayaa dowlada Turkey waxa ay ku dhowaaqday duqeyn cirka ah oo ay ka geysanayso baro ay saldhigyo ku leeyihiin ururka PKK ee Waqoyiga dalka Ciraq iyo weliba dagaalyahanada ISIL ee Waqooyiga dalka Ciraaq.

Ururka PKK ayaa kordhiyay weerarada ay ku hayaan ciidamada Turkey bishii July kadib markii ay burburtay xabad joojin u dhexeysay.

Ra’iisul Wasaaraha Turkey Ahmet Davutoglu ayaa ku hanjabay in ay ka tiritiri doonaan ururka PKK buuraha ay ku leeyihiin saldhigyada kadib labada weerar oo ay ku dhinteen illaa iyo 16 askari oo Turkiyiin ah.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed