|

10-ka dal ee Africa ugu Milatariga xooggan oo lagu dhawaaqay Iyo qaabka kala Horayntooda

Hargaysa 26.May 2016 (SDN/QJ):- Sida lagu xusay warbixin ay soo saartay hay’adda la socota hubka caalamka ee lagu magacaabo  Global Firepower (GFP ayaa soo saartay 10-ka waddan ee Afrika ugu milatariga xooggan.

 

Ten countries in Africa over the militaryWaxaa kaalinta koowaad gashay sidii la filayayba dawladda Masar, waxaana soo raacay dalalka Algeria, Ethiopia, Nigeria and South Africa.

Liiska waxaa lagu saleeyay, dalalka haysta ciidanka ugu badan ama Efentariga ugu badan, dalalka sidoo kale haysta qalabka ugu casrisan ee xagga dhulka , cirka iyo badda intaba.

Kala saraynta dalalka ee xagga milatariga ayaa sidoo kale lagu saleeyay, kala duwanaanshaha hubka ay waddamada Afrika haystaan.

Dhanka kale Milatariga ugu xooggan caalamka waa dalka Maraykanka, waxaana soo raaca dalalka Russia, China, India iyo UK. Maraykanku asagu wuxuu caalamka ugu sareeyay xagga milatariga tan iyo 1945.

 

Haddaba Liiska 10-ka dal ee Africa ugu milatari xooggan hoos ka akhriso.

 

  1. Egypt
  2. Algeria
  3. Ethiopia
  4. Nigeria
  5. South Africa
  6. Angola

7.Morocco

8.Sudan

9.Libya

10.Democratic Republic of the Congo

Comments are closed