|

0gow Shan Qoddob Oo Dawladda Kenya Ka Hor Istaagaya Inay Dalkeeda Ka Caydhiso Qaxootiga Soomaaliyeed

Nairobi:April,13,2015(SDN/QJ)-Hadal-haynta ugu badan ee Maalmahan soomaalida dhexdeeda taalla, ayaa ah Dhawaaqa Kenya ee sheegaya inay dalkeeda ka mustaafurinayso Qaxooti soomaaliyeed oo tiradoodu dhaafayso Shan Boqol oo kun oo qof oo muddo ku noolaa Gudaha Kenya.

rseDhawaaqan, ayaa ugu horrayn kasoo baxay Afka Madaxweyne Ku xigeenka dalka Kenya William Ruto, waxana uu ku dhawaaqay in muddo saddex Bilood Gudahood ah ay qaxootigaasi kaga bixi doonaan Dalka Kenya.

Hadaba Akhri 5-Sababood aanay Dhawaaqa Kenya u suurtogeli karin, iyadoo la eegayo shuruucda Caalamka iyo Arrimaha Bani’aadamnimada oo aanay Kenya dhaafi karin.

1- Banii’aadnimada: dadka qaxootiga ah, waxaa ay u dhaxeeyaan sadex dal, dal ay ka yimdeen(origin), dal ay u socdaan(distination) iyo dal martigalinaya(host), Qaxootiga Soomaalida kuma soo noqon karaan dalkii ay ka yimaadeen oo dhibaato ayaa wali ka jirta, Ma dhaceyso wadamada reer Galbeedka in ay daad-gureeyaan 500,000 oo qaxooti ah hal mar, walina caalamka kama dhicin, waxaa marka qasab ku ah Kenya in ay ixtiraamto arimahaas Banii’aadamnimada.

2– Heshiisyada Caalamiga ah ee ay Kenya Saxeexday: Kenya waxaa ay saxeexday 3 heshiis uu ka mid yahay Heshiiska UN-ka , “non-refoulement, qodobka 33-xaad ee 1951 Refugee Convention kaas oo mamnuuceysa in Qaxootiga si qasab ah lagu celiyo, Geneva Conventions 1949-tii iyo heshiisyo kale oo Caalami ah iyo qaar goboleedyo oo dhamaan ka hor istaagaya in Qaxootiga qasab lagu celiyo, Kenya kama tilaabi karto heshiisyadaas.

3-Heshiiska saddex geesoodka ah: November 10, 2013, Magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa heshiis ku kala saxiixdey dowladda faderaalka Soomaaliya iyo dalka Kenya,waxana heshiiska labada dhinac ay isla garteen waxaa uu la xidhiidha sidii dib loogu celin laha qoxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool.Waxaana heshiiskan uu yimi ka dib markii u qabsoomay shir saddex geesood ah oo ay yeesheen dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR, Mudadii uu socdey shirkan waxaa ka qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto, wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowsiya Yuusuf Xaaji iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda UNHCR,waxana ka soo baxay heshiis dhigaya in qaxootiga ay si iskood ah dib ugu noqon karaan Soomaaliya,kaaso meesha ay ku kala saxeexday Soomaaliya iyo Kenya.Soomaaliya waxaa heshiiskan qalinka ugu duugtay wasiiradda arrimaha dibadda ee Somalia, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, iyadoo dhinaca dowladda Kenya ay u saxeexday wasiiradda arrimaha dibadda Aamino Maxamed, heshiiskan waxaa ka dhaqan galay in Qaxootiga qaar lagu soo celiyay dalka oo Xero looga dhisay Kismaayo dibadeeda kuwaas oo hadda degan, Kenya waa in ay sugtaa heshiiskaas.

4- Dab Damin iyo Caadaadiska oo la Iska dajinayo: Jubilee Coalition, waxaa uu cadaadis ka heystaa Mucaaradka uu hogaamiyo Raila Odinga ee Cord kuwaas oo doonaya in Ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya iyo in amniga wax laga qabto, arintan mid la mid ah waxaa ay dhacday dhacdadii Westage 21 September 2013, cadaadis weyn ayaa soo food saaray Uhuru iyo Saxiibadiis, waxaa ay go’aamiyeen in Qaxootiga iyo dadka sharci la’aanta ah ay soo celiyaan, dadkii ay qabteen waxaa ay isugu geeyeen Kasarani, Nairobi.

9 iyo 18-ka April 2014: dowladda Soomaaliya ayaa dalka keentay dad Qaxootigaas ah oo si qasab ah lagasoo musaafurisay dalka Kenya, Diyaaradda hore waxay ay waday 82 qof tan dambe 91 qof. Dowladda Soomaaliya ayaa dadkaas soo dhaweysay.

5- Qaramada Midoobey iyo Wadamada Waaweyn: Jawaabta Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka ay ka bixin doonaan ayey ku xidhan tahay tilaabada dowladda Kenya, Kenya waxaa ay ku raadineysaa lacag iyo arimo kale oo u gaar ah, waxa dhici karta in ay raadinayso in beesha caalamka la aragto dhibaatada waxa ay ugu yeedheen la dagalanka argigixisada.

Sababahaas aan soo sheegnay ayaa ka horistaagaya in qaxootiga Soomaalida laga soo celiyo Kenya muddo sedex bil ah iyo xitaa sanado.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed