’’Xildhibaanada Mushaharka Kordhista Ee Umaddii Dooratay Aan Maalin Dantooda Ka Hadal Ayaa Xeer Doorasho Diyaarin..’’ Cabdikariin Axmed Mooge
Hargeysa(QJ/SDN) – Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada qorshaynta qaranka somaliland Cabdikariin Axmed Mooge oo haatana ka tirsan xubnaha u ololeeya cidhibtirka qabyaalada ayaa si weyn ugu dhaliilay xildhibaanada golaha wakiilada somaliland inaanay wali samayn xeerkii lagu dooran lahaa,
Cabdikariin Axmed Mooge oo qoraal ku faafiyey boga uu ku leeyahay Facebook ayaa waxa dhaliilay xog ururin ay xildhibaanada golaha wakiiladu sheegeen inay ka soo samaynayaan gobolada dalka taas oo la xidhiidha doorashadooda.
Cabdikariin Axmed Mooge ayaa qoraalkiisa ku bilaabay sidan “Ma kuwii aynu dooranay 5ta sano, ee fadhiya golaha in ka badan 10 sano , ee aynu xisbiyo ku dooranay ee iminkana kolba xisbi u guur-guura ee aasay xisbinimadi, ee kalfadhi kasta 82ka xildhibaan ee golohu ka koobanyahay ay ka soo xadiraan in ka yar afartameeyo, ee markay misaaniyada ansixinayaan musharkooda korodhsada, ee waliba ansixiyay keena soo noqon wayaa doorashada soo socota wuxuu xaq u leeyahay sanad mushahar ah, ee mooshin ku macaashka ah, ee mooshin ay hore u ansixiyeen ka noqda marka dhameelka loo saydho, ee ummadi dooratay aan maalin dantooda ka hadal, ayaa xeer doorasho diyaarin oo ansixindoona!? 10 sano ayay fadhiyeen ee ma maanta oo hal sano ay doorshadi inaga xigto ayay leeyihiin xogbaan soo ururinaynaa ku saabsan xeerka doorshada. Ma toban sano waxay qaban wayeen ayay maanta qabanayaan? Shacabku ha tooso weyaan.